Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed oo Culumo la kulmay

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Bulshada Maamul gobleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) iyo Wasiir Ku-xigeen Wasaarada Owqaafta iyo Arrimaha Diinta isla Maamulkaas Barre Aadan Cabdi ayaa la kulmay Culimada deegaanada Koonfur Galbeed Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wasiirada iyo Culimadaayaa waxaa kulankooda qeyb ka ahaa qaar Kamid ah Imaamyada Masaajidyada ku yaalla Magaalada Baydhaba, waxayna ka wada hadleen arrimo badan gaar ahaan Dhacdooyinkii faraxumeynta ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhaba iyo sidii Culimada Doorkooda wacyigelineed ay kaga qaadan lahaayeen Arrimahaas.
Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Saciid Cali ayaa sheegay in Culumada ay yihiin Indhaha Bulshada,sidoo kalena ay hormuud ka yihiin tallaabo kasta oo Dowladda u qaadeyso dhanka Horumarka, Cadaaladda iyo Amniga,Maamulka Koonfur Galbeedna ay Ka Go’antahya ka mira dhalinta dadaallada Culimada iyo sidii loo Joogteyn lahaa ka talagelinta arimaha ku Aaddan qorsheyaasha lagu Horumarinayo Bulshada ku nool deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomalaiya.
Maalin ka hor ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu toogtay laba Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay faraxumeeyeen laba carruur oo Wiilal ah kuwaasoo midkood faraxumeynta loo geystay uu u geeriyooday halka midka kalena Isbitaalka la dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here