Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo baarlamaanku Su’aalo waydiinayaan.

Waxaa Maanta Xarunta Villa Hargaysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulankii gaarka ahaa ee Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ay su,aal lagu waydiinyo hayadaha amaanka dowlada Soomaaliya.
Baarlamaanka Soomaaliyaa Axdada Maanta ah Waxay Su’aalo weydiinayaan Wasiirka waasaarada Amniga Soomaaliya Maxamed Abuur Isloow Ducaale,Wasiirka wasaarada Gaadiidka & Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xasan Maxamed Xijaar waxaana sidoo kale kulanka ku sugan masuuliyiin kale oo ka tirsan Hay’ada amniga oo isla xisaabtanka qayb ka ah.
Kulanka Maanta waxaa shir guddoominaya Guddoomiye ku xigeenka kookoobaad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Sheekh Muudey,waxaana Goobjoog ka ah oo soo xaadiray oo ugu horayntii uu kulankaasi ku furmay 120 mudane.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Wasiirada waxaay wax ka weeydiinayaan xaalada dalka gaar ahaan arimaha wasaaradaha amniga iyo duulista hawada quseeya.
Wararka ayaa sheegaya in waxyaabaha ay waydiinayaan ay ka mid yihiin dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Xayiraadii Madaxweynayaashii hore lagu Sameeyay xili ay doonayeen inay ka baxaan Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo qodobo kale oo quseeya Shaqadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here