Wasiiro Maanta Hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa Axada Maanta ah Magaalada Muqdisho kulan aan caadi aheyn ku Yeelanaya Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya,waxaana hortagayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa la filayaa inay tagaan Wasiirka Gargaarka & Maareynta musiibooyinka Xamza Siciid Xamza iyo Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur oo looga yeeray Kulanka Golaha Shacabka ee Maanta.
Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa labada Wasiir waxay wax ka weeydiin doonaan arimo la xiriira,xaalada Caafimaad ee dalka iyo Isbitaalada ay Wasaaradda Caafimadka la wareegtay sidoo kale Fatahaadaha ka dhacay qaybo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah iyo sida loogu gurmaday oo Wasiirka Gargaarka wax laga weeydiin doono.
Saddex Sano kadib Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxay bilaabeen la xisaabtanka Golaha Wasiirada,waxaana horey Baarlamaanka u hortagay Wasiirada,Amniga, Gaadiidka iyo duulista Hawada iyo Warfaafinta oo dhamaantood wax laga wadyiidyay howlaha ay hayaan wasaaradaha ay Hogaaminayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here