Wasirika arrimaha gudaha oo amray in la tarxiilo 7 qof oo u dhashay Shiinaha

116

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa saxiixay amar gudaha wadanka looga tarxiilayo 7 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Shiinaha.
Saddex ka mid ah dadkan ayaa la qabtay arbacadii kaddib markii lagu eedeyay inay si sharci darro ah uga ganacsanayeen suuqa Gikomba ee magaaladatani Nairobi.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa war murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in afarta kale ay iyagana ku howlanayeen waxyaabo aan loo ogolayn sida ku xusan oggolaanshaha shaqo ee la siiyay.
Waxay wasaaraddu intaasi ku dartay in dadkan ajnabiga ah lagu helo dembiyo ah inaynan u hoggaansamin shuruucda socdaalka sidaasi awgeed wasiirkuu uu bixiyay amar dalka looga musaafurinayo.
Sido kale waxaa bayaanka wasaaradda lagu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta danaha Kenyaanka halka cid waliba oo oggolaansho shaqo ama ganacsi la siiyo laga doonayo inaynan arrin kale ka macaashin.
Dr. Matiangi, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa horay digniin adag u jeediyay ajaaniibta ku howlan ka ganacsiga khamaarka iyo waxyaabaha kale ee sharci darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here