Wasirika waxbarashada oo baaq u diray shirkadaha buugaagta iibiya

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa shirkadaha buugaagta casharada laga raacdo u qeybiya dugsiyada kala duwan ee wadanka ugu baaqay inay qiimaha buugaagta lagu iibiyo hoos u dhigaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qiimaha oo noqdo mid la awoodo ay carruur badan fursad u siinayso inay tacliin taya leh helaan.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu maktabad cusub ka furay magaaladatani Nairobi.
Prof.Magoha ayaa shirkadaha buugaagta daabaco iyo kuwa sii qeybiya uga mahadceliyay inay dowladda garab ku siinayaan arrimaha waxbarashada balse uu ku boorinayo inay ku dadaalaan sidii qiimaha ay ku iibiyaan ay u yareyn lahayeen si aynan caqabad u noqon.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dowladda dhexe ay diiradda saarayso in la isku dheeli tiro tirada ardayda ee wax ku barta fasallada kala duwan iyo buugaagta ay haystaan si casharada ay macallimiinta bixinayaan si dhow ula socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here