Wasirika waxbarashada oo tagay Nakuru

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha oo uu wehelinayo isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley George Natembeya ayaa maanta tagay ismaamulka Nakuru.
Waxay sameynayeen dadaalo ku aaddan in la ogaado tirada ardayda ee aan weli ku biirin dugsiyada sare ee dalka.
Qorshaha maamulka talada haya ee Jubilee ayaa ah in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare ee wadanka.
Waxaa ka dhabeynta qorshahan iska kaashanaya saraakiisha wasaaradda waxbarashada, wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu amar ku bixiyay in ugu dambeyn dhammaadka bishan labaad canug kasta oo KCPE sameeyay uu ku biiro dugsiga sare.
Mr. Kenyatta ayaa saraakiisha wasaaradda tacliinta iyo kuwa wasaaradda arrimaha gudaha ku amray inay arrintan si buuxda ugu hoggaansamaan.
Wuxuu xusay in tallaabo sharciyeed laga qaadayo mas’uulkii aan howshan sida habboon uga soo bixin.
Dowladda ayuu madaxweynaha sheegay inay diyaar u tahay inay ardayda ka caawiso dhanka qarashaadka waxbarashada isagoo dhanka kale waalidiinta ku boorriyay inay dowladda kala shaqeyaan sidii barnaamijkan loogu guulaysan lahaa.
Waxaa ilaa iyo hadda dugsiyada sare ee dalka ku biiray 750,000 oo ka mid ah in ka badan hal milyan oo sannadkii tagay u fariistay imtixaanka qaran ee shahaaddiga ee fasalka sideedaad (KCPE) .
In ka badan 325,000 oo arday ah ayaan weli u gudbin marxaladda labaad ee waxbarashada in kastoo mudadii loo qabtay hal toddobaad lagu kordhiyay oo ayna dhammaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here