DHAGEYSO:Wasirka ciyaarada Soomaaliya oo faahfaahisay xaalada gudoomiyaha gobolka banaadir.

Wasiirada wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaradaha dowlada Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku sugan Magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar ayaa faahfaahin ka bixiysay xaalada dhaawacyada wadankaas la geeyay.
Wasiirada oo ka mid ah dadka la socday dhaawacyada laga Qaaday muqdisho kuna sugan Isbitaalka lagu dabiibaayo dadkaasi ayaa sheegtay in xaalada caafimaad ee Gudoomiyaha gobolka Banaadir ay hada soo wanaagsanaanayso ayna tahay mid ka fiican sidii horay uu u ahaa Markii laga soo qaaday Magaalada Muqdisho.
Wasiir Khadiijo ayaa rajo wanaagsan ka muujisay Xaaladda Gudoomiyaha waxaana ay sheegtay in uu soo roonaanayo Gudoomiye Yariisow oo xilliggaan dhaqaatiirtu ay sheegeen inuu wanaagsan yahay wallow ay jiraan dhaawacyo kale oo xaaladoodu liidato.
Wasiirada wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa dhanka kale u mahadcelisay madaxda dalka Soomaaliya ugu saraysa,Safiirka Soomaaliya dalka Qatar u jooga,dowlada Qatar iyo dhamaan cidwalba oo ka qayb qaadatay gurmadka dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir Maalinkii Arbacada ee ina dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here