Wasriika Warfaafinta Soomaaliya oo Xil u magacaabay Fanaanka Nimcaan Hilaac.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Dowlada Fedraalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta oo Taariikhdu tahay 11/06/2019 waxaa loogu oggaaladay inuu kamid noqdo Hoballada Waaberi ee qaranka Soomaaliyeed Fanaanka , Nimcaan C/raxmaan Xasan, (Hillaac).

Warqaddan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa Nimcaan C/raxmaan Xasan, oo bulshada u taqaano Nimcaan Hilaac loogu Magacaabay, Agaasimaha wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi.

Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasimenimo uga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi , Maxamed Xasan Barroow.

Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa loo magacaabay inuu noqdo la taliyaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here