Wax ka ogoow sideey u dhacday Ciyaartii dhexmartay Soomaaliya iyo Zimbabwe

waxaa galinkii dambe ee shalay bilooday Ciyaarta sida wayn loo wada sugayay ee u dhaxaysay Somalia iyo Zimbabwe.

Qeybtii hore ee ciyaarta uma suurta galin mid koodna in aay wax golal ah la yimadaan Waxaa qeytii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 0 iyo 0.

Is ku soo noqodkii labaad ee ciyaarta ayaa waxaay ku bilaabatay xamaasad islamarkana ciyaartooyda labada dhinac ayaa u muuqday in ay dardar cusub la soo laabteen

Ciyaarta oo aad u kululeyd aya  markii ay mareysay daqiiqadii 77aad waxa xulka kubadda cagta ee Zimbabwe ay dhaliyeen goolkii koowaad oo uu u dhaliyay Marshall munetsi.

Markay ciyaartu maraysay 85aad daqiiqo  ayaa waxaa goolka barbaraha u dhaliyay Soomaliya Cumar Maxamed,waxayna ciyaarta noqotay 1 iyo 1.

Xulka qaranka zibbabwe ayaa Daqiiqadii 86 waxaa ay layimadeen goolkii labaad oo u dhaliyay ciyaaryahanka Admiral Muskwe,waxayna ciyaartu noqotay 2 iyo 1:

Ugu dabayntii ayaa waxaa Soomaaliya laga dhaliyay goolkii 3aad oo uu dhaliyay Khama Billiat sidaas ayayna ciyaartu ku dhamatay oo aay guusha ku raacday zimbabwe

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here