Waxgaradka Gedo oo 24 saacadood u qabtay dowladda Soomaaliya

Waxgaradka ku nool Gobolka Gedo oo ah halka uu ka soo jeedo wasiirka amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Cabdinuur Janan ayaa baaq u diray dowladda fedraalka Soomaaliya.
Baaqa waxgaradka ayaa ku soo aadaya kaddib markii dowladdu ay shaacisay in halkii lagu hayay uu ka baxsaday isla markaana ay baadi goobayaan hay’adaha amniga.
Waxgaradka ayaa dowladda ku eedeeyay mas’uuliyad darro iyo in aysan ahayn wax la aqbali karo in uu baxsaday wasiirka amniga’iyada oo tilmamay in ay dowladda uga baahan yihiin 24-saac gudahood in ay jawaab lagu qanci karo ka bixiso.
Dhinaca kale waxa ay baaq u direen Beesha caalamka iyaga oo cadeeyay dhibaatada ka dhalata arrintaas in ay qaadan doonto dowladda,islamarkaa ay u arkaan qorshahaan mid loogu danl eeyahay iyaga sida ay hadalka u dhigeen.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga uu ka baxsaday Wasiirkii amniga Jubbaland oo dowladda 31 Bishii Agoosto ee 2019 ka qabatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoona ku eedeeysay inuu dembiyo kala duwan ka galay shacabka Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here