Waxyaabaha Maanka Dooriya oo lagu gubay Magaalada Caabudwaaq.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa inay Maanta goob fagaaro ah ku burburiyeen dhalooyin Khamri ah oo ay kusoo qabteen howlgalo ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaaladaasi.
Taliska Ciidanka Booliska Caabudwaaq ayaa waxay sheegeen in dhalooyinka Khamriga oo ku dhow 100 ay kusoo qabteen howlgal ay sameeyeen,isla markaana khamrigaas uu dhibaato ku haayay Bulshada deegaanka.
Goobta fagaaraha ah ee Khamriga lagu burburiyey ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,iyagoo daawanayay burburinta dhalooyinkaas Khamriga ah.
Taliska Ciidanka Booliska degmada Caabudwaaq ayaa u digay dadka ka Ganacsanaya iyo kuwa isticmaalaya maandooriyaha kala duwan, cidii lagu qabtana waxay sheegeen inay tallaabo ka qaadi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here