Weerar aroos lagu bartilmaameedsaday oo lagu dilay in ka badan 40 qof

moraine farm july 3 wenham

Wararka naga soo gaaraya dalka Liibiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 qof la dilay halka tiro kale oo dhowr ahna ay dhaawacmeen kaddib duqeymo dhanka cirka ah oo la gaystay.
Waxaa falkaasi lala eegtay xaflad aroos ah oo la dhacaysay koonfurta galbeed ee wadankaasi.
Warbaahinta Liibiya ayaa ku warramaysa in ciidamo taabacsan taliye Khalifa Haftar ay weerarkaasi ka fuliyeen magaalada Murzuq.
Tan iyo markii ciidamada uu sarkaalkan hoggaamiyo ay howlgalo ka billaabeen gobolkaasi waxaa la dilay ku dhawaad 1,100 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here