Weerar dad ku dhinteen oo xalay ka dhacay Gobolka Mudug.

Waxay Faah faahino dheeraad ah kasoo baxayaan maleeshiyaad hubeysan oo xalay gobolkaweerar ka fuliyay.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda Hubaysan ay weerareen deegaanka lagu Maacaabo Tuula Qorax oo ku yaala duleedka Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug waxayna sida la sheegay ku dileen dad shacab ah oo kamid ahaa Xoolo Dhaqatada deegaankaasi ku nool.
Maleeshiyaadka hubeysan ayaa dadkaas shacabka ah ugu tegay sida la sheegay Goobtii ay daganaayeen, kadibna rasaas ku furey,waxaana la sheegay inay halkaasi ku geeriyooday laba ruux, iyadoo Goobta ay ka baxsadeen maleeshiyaadkii falkaasi geystay.
Dadka ku nool deegaanka Tuulada Qorax qaarkood ayaa sheegay in arrintaan ay salka ku heyso aanooyin qabiil,sidoo kalena Bulshada deegaankaas iyo tuulooyinka kale ee u dhowba ay cabsi soo wajahday.
Wararka kale ee aan ka helayno Galbeedka Gobolka Mudug waxay sheegayaan in sidoo kale la weeraray dad xoola dhaqato ah oo ku sugnaa tuulooyin hoos taga degaanka Laan-waalay oo aan sidaasi uga dheeray isla deegaanka Tuula qorax.
Weeraradaan khasaaraha geystay ee ka dhacay deegaanada ka tirsan gobolka Mudug ee Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli dagaal beeleed khasaaro geystay uu dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Bariga isla Gobolkaasi Mudug lagana soo saaray baaqyo nabadeed oo lagu joojinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here