Weerar dad lagu dilay oo laga geystay Moyale

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Moyale ee ismaamulka Marsabit ayaa waxay sheegayaan in xiisad ay ka taagan tahay gudaha magaaladaasi kadib markii koox hubeysan ay habeenimadi qamistii ay dileen shan qof
5 qof oo kala ah afar dumar ah iyo hal nin ayaa lagu dilay degamada Sessi.
Ku xigeenka guddomiyaha amaanka ee deegaanka Moyale Patrick Mumali ahna guddomiyha guddiga amaanka ee deegankaasi ayaa xaqiijiyay in koox hubeysan ay dileen shan qof.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda dilka geysatay ay ahaayeen askar Itoobiyaan ah ku waas oo ka soo tallabay xadka dalka Kenya iyo Itoobiya.
Dhawaan ayey ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu aqalka madaxtooyada ku qaabilay dhigiisa Itoobiya Sahle-Work Zewde iyagoo ka wada hadlay arimo badan oo laba geesood oo dhinacyo badan ah, oo ay ka mid tahay wada noolaansho nabadeed oo dhexmara bulshooyinka ku teedsan xadka Kenya iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here