Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Afghanistan

Wararka naga soo gaaraya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in halkaas uu isku qarxiyay nin isa soo miidaamiyay.
Falkan ayaa dhawaan laga gaystay bannaanka saldhigga milatari ee ciidamada Maraykanka ay ku leeyihiin degmada Bagram ee gobolka Parwan oo masaafo dhan 25 kiilomitir dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda dalkaas ee Kabul.
Saraakiil ka tirsan dowladda Afghanistan iyo xubnaha gaashaanbuurta NATO ayaa arrinkan warbaahinta ugu sheegay bayaan ay soo saareen.
Ilaa iyo hadda ma jirto wax dhimasho ama dhaawac ah oo weerarkan ka dhashay oo la soo tabiyay.
Hasa ahaate waxaa uu burbur soo gaaray isbitaal dadweyne oo la dhisayay sida laga soo xigtay howlgaka nabadsugidda NATO ee Afghanistan ee loo yaqaano Resolute Support.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here