Weerar ka dhacay boosaaso iyo Howlgalo ka socda

Wararka ka imaanaya gobolka deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in Rag ku hubeysnaa Bustoolado ay xalay fidkii weerar toogasho ah ku qaadeen mid kamid ah Nabadoonada ugu caansan Gobolkaasi ,iyagoo weerarkaas ku dhaawacay Nabad doonka.
Nabadoonka la dhaawacay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cabdullaahi Cali Sugulle oo kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Bari ,waxaana la sheegay in dhowr Xabadooda lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa Albaabka hore Hoygiisa oo ku yaalla xaafadda masjid Faadumo ee magaalada Boosaaso.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaay warbaahinta u sheegeen in xilliga la weerarayay Nabadoonka uu kasoo baxay Masaajiid uu kusoo dukaday Salaadii Cishaha,dadkii ka dambeyey weerarkaas ayna la sheegay inay goobta ka baxsadeen,sidoo kalena dhaawaca nabadoonka ayaa la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka Puntland ee ka howlgalla Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kadib weerarkaas Nabadoonka lagu dhaawacay waxaay Magaalada ka sameeyeen howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey falkaas.
Xaalada Magaalada Boosaaso ayaa ah mid degan,waxaana xusid mudan in tira ka dhowr jeer ay Boosaaso ka dhaceen weeraro kala duwan oo lagu dilay,Askar, Masuuliyiin iyo dad Shacab ah intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here