Weerar ka dhacay gobolka Gedo

Warka ka imaanaya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Maamulka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan Saacad Sida ay Baahisay warbaahinta gudaha Soomaaliya.
Dadka ku nool degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Buurdhuubo iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee Weerarka ku soo qaaday hayeeshee aysan cadeyn karin khasaraha ka dhashay.
Dhanka kale Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Shabaab ayaa lagu sheegay in Xarunta ay weerareen ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo,isla markaana uu si dirqi ah uga badbaaday siday hadalka u dhigeen.
Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo oo warbaahinta gudaha Soomaaliya la hadlay ayaa dhankiisa sheegay inay iska difaaceen weerarkii ay ku soo qaadeen shabaabku wuxuuuna xusay inay qasaare Xooggan gaarsiiyeen.
Gudoomiyaha Buurdhuubo ayaa xusay inay labo qof ka dileen shabaabka hubna ay ka furteen wuxuuna beeniyay sheegashada shabaabka ee ah inuu dirqi kaga baxsaday.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degmada Buurdhuubo waxaay sheegayaan inay xaalada degmadaasi hada degan Ciidamada Dowladda Soomaaliyana ay wadaan howlgallo kala duwan oo amaanka lagu xaqiijinayo sidoo kalena lagu baadi goobayo kooxdii weerarka ku soo qaaday.
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Maanta Agagaarka Jaamacada umada qaynta Gahayr waxay ku qarxiyeen miino dhulka lagu aasay.
Wararka ayaa sheegaya in goob qashin qub ah oo ku taala afaafka hore ee Jaamacada Umada Qaybta Gahayr ay saaka ciidamada Boolisku ku qarxiyeen ayadoo aysan cidna wax ku noqon kadib markii miinada halkaas lagu qariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here