Weerar ka dhacay Magaalada Jowhar oo faahfaahin ka soo baxayso

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar bambaano oo xalay lagu qaadey Hoteel ku yaalla Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.
Weerarka oo dhacay xalay fiidkii ayaa waxaa lagu qaadey hotelka Saffa oo kamid ah Hoteelada ugu waaweyn Magaalada Jowhar,kaasoo ay isugu tagaan dad ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.
Dad ku sugan Magaalada Jowhar ayaa warbaahinta Gudaha Soomaaliya u sheegay in weerarkaasi bambaano uu ku dhaawacmey Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Maaliyadda Maamulka degmada Jowhar Ismaaciil Warsame Faarax,hayeeshee uusna jirin khasaaro kale oo ka dhashay.
Waa qarixii labaad oo muddo bil gudaheed ah ka dhaca Magaalada Jowhar,waxaana Afartii Bishaan qarax miino oo ka dhacay meel ay dadka isugu yimaadaan oo ku taalla agagaarka Busteejada gaadiidka aada Magaalada Muqdisho ku geeriyoodey hal Ruux halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ay wadaan howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey weerarkii bambaano ee Xalay halkaas ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here