Weerar ka dhacay Shabeelada dhexe oo dad isku qoys ah lagu dilay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxay sheegayaan in Maleeshiyaad hubeysan ay xalay dad Shacab ah oo isku qoys ahaa ku dileen agagaarka degaanka Xaluule oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Maleeshiyaadka ay Gurigooda ugu tagay dadka isku qoyska ah, iyagoo sida la sheegay dilay Hooyo Umul ku jirtay iyo laba Carruur ah oo ay dhashay, kaasoo mid ka mid ah da’diisa lagu sheegay Saddex Sano jir, halka la dhaawacay haweeney qoyska kamid aheyd & Wiil 5-sano jir ah.
Maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in weerarkaasi uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo sanadihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano ka tirsan degmada Warsheekh.
Xildhibaan Cabduqaadir Caraboow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay falkaasi, waxaana uu sheegay inuu ahaa mid arxan daran,isla markaana ka fog Diinta Islaamka iyo binu Adamnimada labadaba.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Xildhibaan Carabow ayuu ku yiri Waxaan cambaareynayaa kana tacsiyadeynaya falka arxan darrada ah ee ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo Hooyo iyo labo carruur ay dhashay lagu dilay. Falkaas argagaxa leh waa mid ka fog diinta Islaamka in dad birimageydo ah oo Haween iyo carruur ah la dilo.
Maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxgaradka iyo culumaa’udiinka ayuu ugu baaqay inay u istaagaan wax ka qabashada arrintaas aysana sababin fidno kale, kooxdii falkaas geysatayna la soo qabto si Cadaaladda loo horgeeyo.
Weerarada dilalka arxan darrada ah ayaa kusoo batay degaannada hoostaga degmooyinka Warsheekh & Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana 16-kii Bishii Sebtembar ee sanadkaan 2020 lagu dilay Tuulada Burdheera oo hoostaga degmada Cadale lix Macalin Dugsi Qur’aan, iyadoo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo Maxkamadeeyay falkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here