Weerar ka dhacay Turkiga oo khasaare gaystay

Toddobo qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay dhinteen halka 10 kalena ay dhaawacmeen kaddib qarax ka dhacay koonfurta bari ee dalka Turkiga.
Weerarka oo ka dhacay degmada Kulp ee gobolka Diyarbakir ayaa loo adeegsaday bambo la dhigay wadada oo qaraxday xilli uu halkaasi marayay baabuur rakaab siday.
Bayaan ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolkaasi ayaa faahfaahin looga bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarka.
Wararka aya intaasi ku daraya in la rumeysanyahay in falkaasi ay ka dambeysay maleeshiyada kooxda kurdiyiinta ee (PKK) sida bayaanka lagu xusay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here