Weerar khasaare gaystay oo ka dhacay Kashmiir

Weerar ka dhacay gobolka wadamada India iyo Pakistan ay ku muransanyihiin ee Kashmiir ayaa waxaa ku dhintay hal qof iyadoo ugu yaraan 34 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhibaatadan oo loo adeegsaday bambo gacmeed ayaa laga soo tabiyay magaalada Srinagar.
Saraakiil ka tirsan dowladda India ayaa falkan ku tilmaamay midkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii meesha laga saaray maqaamkii gaarka ahaa ee Kashmiir 5-tii bishii sideedaad ee sannadkan.
Dadka dhaawacmay waxaa ku jiro saddex ka mid ah booliska sida milatariga u tababaran waxayna xaaladdiisu liidataa hal ruux , ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here