Weerar lagu qaaday Fariisin ay ku sugnaayeen Ciidanka Puntland

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar Ciidamo ka tirsan kuwa Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee puntland lagu qaaday xili ay ku sugnaayeen saldhig ku yaala deegaanka Balli-Khadar ee gobolka Bari.
Dagaal kooban ayaa la sheegay inuu dhex-maray Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Saldhigaasi ku sugan iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerarka ku soo qaaday,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in weerarkaas ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland mid kalena uu ku dhaawacmay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland oo Warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee Saldhiga soo weeraray ay iska difaaceen,isla markaana ay ka dileen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa.
Al-Shabaab iyo Daacish ayaa mararka qaar waaxay weeraro toos iyo qaraxyo loo adeegsado ka fuliyaan deegaano ka tirsan Maamulka Puntland waxaana weerarkaan uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Puntland ay soo bandhigtay Rag ay sheegeen inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish iyo waxyaabaha qarxa oo ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here