Weerar lagu qaaday Fariisin ay leeyihiin Ciidanka Maamulka Puntland

Waxay Faah faahino dheeraad ah kasoo baxayaan weerar madaafiic ah oo xalay saqdii Dhexe lagu qaadey Saldhiga Ciidamada Daraawiishta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari.
Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayay wararku sheegayaan inay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Deegaanka Af-urur ee gobolka Bari,waxaana dad ku sugan gobolkaasi ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa jugta culus oo halkaas ka yeedhay.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaasi madaafiicda ah,waxaana warar kale oo la helayo ay Tilmaamayaan in Ciidamada Puntland ay madaafiic ugu jawaabeen Al-Shabaab.
Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo ka hadley weerarka madaafiicda ah ee ay la beegsadeen Saldhiga deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa waxay sheegeen inay dhowr madfac ku tuureen Gudaha Saldhiga Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Af-urur,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen wallow aysan jirin warar madax banaan oo arintaasi xaqiijinaya.
Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Af-urur ee la weeraray weli kama hadlin weerarka madaafiicda ah ee lagu qaadeey,iyadoo 15-kii Bishii November ee sanadkii 2019 weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigaas ay ku dhinteen laba askari oo ka tirsanaa ciidanka maamulka Puntland halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here