Weerar lagu qaaday iskuul military oo ay dad ku dhinteen

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay halka kuwa kala oo badan dhaawacmeen kadib marki duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday iskuul milaterigu uu leeyahay oo ku yaal caasimadda Liibiya ee Tripoli, sida ay saraakiishu shegeyn.
Dadka ay wax yeeladu soo gaartay ayaa intooda badan ahaa arday military ah ku waas oo da’adoodu u dhaxeeso 18 ila 22 waxaana la soo sheegay in ay intooda badan uu jirkooda gubtay.
Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in ay adkeyd in la aqoonsado dadka dhintay iyagoona sheegay in ay aad ugubteen sidoo kale qaarkood googo`een
Ma cadda faafaahinta weerrarkaasi hasayeeshee wararku waxa ay sheegayaan in weerrarka ay soo qaadeen ciidammada fallaagada ee daacadda u ah Janaraal Khaliifa Xaftar, kaas oo saldhiggiisu uu yahay bariga Liibiya.
Dowladda Liibiya ayaa waxa ay la dagaalamaysay xooggaga kacdoonka ee uu hogaaminayo Janaraal Xaftar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here