Weerar Maanta ka dhacay deegaanka Balli Doogle.

Wararka imaanaya Gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in weerar ku bilowday qaraxyo Barqanimadii Maanta lagu qaaday sadlhigga ciidamada Mareykanka ee ku yaalla garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa u sheegaya warbaahinta Gudaha Soomaaliya in Gaadiid laga soo buuxiyey qaraxyo lagu weeraray saldhiggaasi,kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Marekanka oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan xeradaasi iyo raggii weerarka soo qaaday.
Wararka ayaa sheegaya inay Ciidamada Saldhigaas ku Sugnaa ay dagaal kala Hortageen Ragii Hubaysnaa ee Weerarka Soo qaaday sidookalena irida Hore ee Saldhiga dhamaantoodan Lagu Toogta.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxyada ka dhacay deegaanka Balidoogle ee gobolka shabeelada Hoose iyagoo xusay in Qaayb ka mid ah Saldhigaas ay gacanta ku dhigeen wallow saraakiisha Soomaaliya ay Beeniyeen Sheegashada Al-shabaab.
Deegaanka Balli-doogle ayaa ah Saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Maraykanku ku leeyihiin gudaha Soomaaliya waxaana sidoo kale Halkaas ku sugan Ciidamada DANAB ee dowlada Soomaaliya kuwaasoo halkaas ku qaata Tababaro qaas ah.
Dhanka kale Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid kamid ah Gaadiid ay wateen Saraakiil Talyaani ah lagu weeraray qaraxa wallow uusan jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay Qasaaraha ka dhashay.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay inay qaraxaasi wax ku noqdeen dad Shacab ah oo qaarkood saarnaa Mooto Bajaaj iyo Gaadiid kale oo kuwa daweynaha ah kuwaasoo ay dhaawacyo Soo gaareen.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka ay wax ka dhaceen,kuwaasoo hakiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wadadaasi isticmaalayay.
1-dii October ee sanadkii 2018-kii ayaa sidaan oo kale loo qarxiyay Kolonyo Ciidamo Talyaani ah oo ka baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya xilli ay marayeen agagaarka Kulliyadda Jaalle Siyaad halkaasoo ah meesha uu Maanta qaraxu ka dhacay un Hal maalin ka hor 1 October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here