Weeraradii ka dhacay Gobolka waqooyi bari oo saameyn ku yeeshay waxbarashada

Waxaa ay wali saameyn xoogan ka taagan tahay waxbarsahada skuulada ku yaala tuulooyiinka ismamaulka Garissa ka dib markii ay halkaasi ka dhaceen weeraro lagu dilay arday iyo macalimiin.
Dhammaan macallimiintii wax ka barayay deegaannada xuduudka u dhaw ayaa isugu yimid xafiiska guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ee ismaamulka Garissa iyagoo dalbanaya in meelaha ay ka shaqeeyaan laga soo beddelo.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa macallimiinta ka soo cararay deegaanada Waqooyi Bari ugu baaqay inaynan ka soo tagin dugsiyada ay ka howlgalaan isagoo u xaqiijiyay in dowladda ay amnigooda si weyn u sugeyso.
Magoha ayaa dhaliilay hadal ka soo yeeray xoghayaha ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT Mr. Wilson Sossion kaasoo ahaa in barayaasha naftooda u baqaya lagu boorinaya inay soo tagaan si meel kale loogu beddelo.
Dhinaca kale Ururka qaran ee macallimiinta dalka KNUT ayaa ka soo horjeestay soo jeedin ka timid dalladda kale ee barayaasha ee KUPPET.
Kuppet ayaa ku talisay in macallimiinta tababarrada soo qaatay ee ka tirsan ciidamada booliska iyo saraakiisha difaaca dalka ee KDF-ta ay dugsiyada wax ka dhigaan.
Hasa ahaate xoghayaha guud ee ururka macallimiinta ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa sheegaya in macallin la hubeeyo aynan ahayn dhaqan ka jiro dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here