Weerarkii Lamu oo lagu dilay saddex sarkaal oo Ameerikaan ah

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan weerar shalay laga gaystay ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta.
Dowladda Maraykanka gaar ahaan taliska u qaabilsan ciidamadeeda ku sugan gudaha qaaradda Africa ee loo yaqaano AFRICOM ayaa xaqiijisay inuu khasaare nafeed ka soo gaaray weerarkaas ay xarakada Al-Shabaab ku qaadday saldhigga milatari ee Simba Camp.
Saddex sarkaal ayaa Maraykanka halkaas kaga dhimatay waxaana dhaawacmay laba kale.
Weerarka oo laga gaystay saldhigga Simba Camp ee aagga Manda Bay oo ay wada isticmaalaan ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanka oo tababaro siiya ayaa dhacay abaare 5:30 aroornimo ee maalinkii Axadda.
Ciidamada la xaqiijiyay inay weerarkaas ku dhinteen mid ka mid ah ayaa xubin ka ahaa waaxda adeegga halka labada kalena ay ka tirsanaayeen gaashaandhigga.
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika, Stephen Townsend ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in kuwa dhaawaca ah aynan xaaladooda caafimaad liidan.
Waxaa uu intaas ku daray in falka la gaystay uunan wax saameyn ah ku yeelan doonin dowladda Maraykanka maadaama ay ka go’an tahay cirib tirka Al-Shabaab.
Africom ayaa sido kale sheegtay in waqti xaadirkan aan la shaacin karin magacyada saraakiisha la dilay iyo kuwa dhaawaca ah maadaama lagu wargelinayo eheladooda.
Sido kale waaxda difaaca ee Maraykanka ayaa ballanqaaday inay taageero u fidin doonto qoysaska ay ka soo jeedaan ciidamada ay waxyeeladu soo gaartay.
Qoraalka Africom waxaa qeyb ka ah in markii koox hubeysan ay isku dayeen inay gudaha u galaan gagida diyaaradaha ee Manda Airstrip , ciidamada Kenya oo kaashanaya kuwa Maraykanka ay iska caabin sameeyeen.
Garoonka oo galinkii hore ee shalay si ku meel gaar ah loo xiray ayaa saacado kaddib ay howlihiisa dib u billowdeen kaddib bayaan uu soo saaray maamulka duulimaadyada ee KCAA
Shalay ayay ahayd markii afhayeenka waaxda gaashaandhigga ee dalka Colonel Paul Njuguna uu sheegay in saraakiisha ay dileen 4 ka mid ah argagixisada halka 5 kale oo eedeysanayaal ah gacanta lagu dhigay.
Ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ayaa sheegay in intii iska caabintu ay socotay uu dab ka kacay qaar ka mid ah haamaha shidaalka ee halkaasi yaalla balse isla markiiba la xakameeyay.
Bayaan ay AFRICOM soo saartay ayaa lagu sheegay in xarakada Al-shabaab ee sheegatay mas’uuliyadda weerarka balse ay buunbuunisay sida ay wax u dhaceen iyo xaaladda dhabta ah, dhaqankan oo sida qoraalka uu tilmaamayo ay caadeysatay.
Qoraalka AFRICOM ayaa sido kale lagu sheegay in Al-Shabaab ay tahay koox argagixiso oo marar badan sheegtay inay weerarayso danaha Maraykanka oo bishii Disembar ee sannadkii hore in ka badan 80 qof ku dishay Muqdisho.
Manda Bay ayaa ah meel ciidamada Maraykanka ay saraakiisha bariga Afrika kaga taageeraan tababaro iyo ka hor tagga argagixisada .
Barta istaraatiijiga ee adeegyada sirdoonka ee Strategic Intelligence Service ayaa qortay in khasaaraha ay gaysteen maleeshiyada uunan ahayn mid ballaaran sidaas awgeedna wax saameyn ah oo la xiriirta xeeladaha, istaraatiijiyadda iyo falcelinta ah uunan ku yeelanayn howlaha saldhigga Simba Camp .
Sido kale diyaarado la soo tabiyay in lagu burburiyay weerarka Lamu ayay Africom sheegtay inay ahaayeen 6 ka mid ah kuwa duulimaadyada rayidka.
Xarakada Al-Shabaab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay weerarro ka gaysatay gudaha dalka waxaana ugu dambeeyay falkii khamiistii lala eegtay bas marayay aagga Nyongoro ee Lamu halkaas oo saddex qof lagu dilay.
Ciidamada difaaca dalka ayaa dhacdadaas kaddib sheegay inay dileen afar dagaalyaano ah halka mid kalena gacanta lagu dhigay.
Waxaa weerarkaas ka sii horreeyay mid kale oo 7-dii bishii Diseembar ee sannadkii hore ka dhacay Kutulow oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo ay boolis ka mid yihiin.
Maalinkii sabtida ayay ahayd markii afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna uu sheegay in amniga dalka si weyn loo sugay sidaas awgeedna aynan jirin sabab keeni karto in shacabka ay walaac muujiyaan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in ammaanka Lamu oo maalmo ka hor bas lagu weeraray saddex qofna lagu dilay la adkeeyay oo shakhsiyaadkii ka dambeeyay falkaas laga takhalusay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here