Weeraro kala duwan oo ka dhacay Fafi ee ismamaulka Garissa

Shalay waxaa qeybo ka mid ah deegaanka faafi ee ismaamulka Garissa ka kala dhacay werar ay askar ku dhinteen qarna ku dhawacmeen.
Dhacdoyinka ayaa la sheegay in ay ka kala dhacday 2 melood oo aan sidaas u kala fogeen.
Dhacdada hore oo ahaa weerar gaadma ah ayaa lashegay in lagu qaaday gaari ay wateen cidamada police dalka oo howl galo amaan ka sameenayay meel aan sidaas uga fogeen xerada qaxotiga ee Hagardheer.
Waxaana kudhintay sarkaal kamid ah ciidanka amaanka.
Dhacdada labaad ayaa ka dhacday duleedka Magaalada Cali juqur oo kamid ah degaanka faafi kana tirsan waadka Jarajila.
Weerarkan labaad ayaa loo adeegsaday bamka dhulka lagu aaso oo lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidamada amaanka dalka waxaana sida wararka qaar ay sheegayaan halkaas inay ku dhinteen 2 askari halka 1 kalena uu kudhawacmay sidoo kale waxaa lasoo wariyay in uu gabi ahaanba uu burburay baaburkii ay wateen ciidamada waxyeladu soo gartay waxaana socda howl galo amaan oo ay wadaan qeybaha kala duwan ee lamaha amaanka dalka waxaana bacsi lagu wadaa koxihii werarada gestay oo lagu tuhunsan yahay in ay AL Shabab katirsan yihiin.
Arinta ayaa kusoo adaysa xili isbucan dhacdooyin amaan daro iyo weraro koxda al Shabab ay kafulisay qeybo kamid ah ismaamulka Mandera.
Sido kale shalay ayay ahayd markii ay ciidamada ammaanka 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al Shabaab ku dileen ismaamulka Garissa.
Waxaana jira dadaalo xogan oo ay wadaan cidamada kala duwan ee amaanka dalka waxaana feejignaan sare lagaliyay amniga guud ee dalka iyo xuduudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here