WFP oo bur gaarsiinaysa Lubnaan

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda howlaha baniaadanimo ee OCHA ayaa sheehaya in hay’adda cunnada adduunka ee WFP ay gargaar gaarsiin doonto Lubnaan.
Ilaa 50,000 oo taan oo bur ah ayaa la geynaya magaalada Beirut ee wadankaas.
Waxay tani qayb ka tahay gurmadka loo fidinaya dowladda iyo shacabka Lubnaan oo ay saameyn ka soo gaartay qaraxii toddobaad ka hor ay ku dhinteen ugu yaraan 158 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 6000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here