WHO oo Afrika uga digtay cudurka duumada

Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Ghebreyesus ayaa ka digay in gudaha Afrika laga soo tabiyo dhimasho la xiriira cudurka duumada ama malaariyada.
Waxaa uu arrinkan u sababeeyay xuduudaha la kala xirtay iyo saameynta dhanka ganacsiga ah ee timid kaddib digniino la jeediyay oo ku aaddan COVID-19 .
Mr. Tedros oo warbaahinta kula hadlay magaalada Geneva ayaa sheegay in tirada dhimashada ee duumada ay sii laba jibaarmi karto.
Waxaa uu xusay in dadaalka la isugu geeyay wax ka qabashada coronavirus oo aynan hoos u dhacday qeybinta daawooyinka malariyada ee 41 wadan oo ka hooseeya saxaraha Afrika.
Sido kale madaxa WHO ayaa sheegay in 21 wadan guud ahaan caalamka ay sheegayaan inuu haysto gabaabsi dhanka daawooyinka cudurrada kale sida jadeecada , daacuunka lagula tacaalo.
Mas’uulkan ayaa sheegay in 13 milyan oo qof guud ahaan caalamka ay saameyn ka soo gaartay tallaal si joogta ah loo siinayay oo ka dib dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here