WHO oo digniin ka soo saartay coronavirus

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa soo saartay digniin hor leh oo la xiriirta caabuqa corona.
Waxay wadamada kala duwan ee caalamka uga digtay inay ku degdegaan qafiifinta xayiraadaha dhanka isku socodka ee lagu xakameynaya faafitaanka fayraska.
WHO ayaa sheegtay inay jirto halis ah in sida ugu dhaqsiyaha badan ay mar kale sare u kacaan kiisaska cudur sidaha.
Hay’adda ayaa baaq gaar ah u dirtay dowladaha Yurub iyo Maraykanka waxayna kula talisay inay sii kordhiyaan kormeerka , baaritaannada iyo dabagalka lagu xakameynayo cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here