WHO oo ka digaysa gaabad dhanka qalabka caafimaadka ah

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa soo saartay digniin ku aaddan inuu jiro gaabad la xiriira qalabka caafimaadka ee lagula dagaalami karo caabuqa coronavirus
WHO ayaa shirkadaha iyo dowladaha kala duwan ee caalamka ka dalbatay inay boqolkiiba 40 kordhiyaan qalabyada caafimaadka ee ay sameyaan.
Bangiga adduunka ee World Bank ayaa dhankiisa shaaciyay inuu dhaqaale dhan 12 bilyan oo doolar ku caawin doono wadamada la daala dhacaya wax ka qabashada cudur sidahan dunida ku fiday.
Waxaa Caabuqa Coronavirus iyo cudurka uu sababo ee COVID -19 uu saameeyay duulimaadyada , dalxiiska iyo waaxyo kale tani oo halis gelisay rajada kobac dhaqaale ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here