WHO oo ka digtay cudurka CoronaVirus

Hay’adda caafimaadka aduunka WHO ayaa ka digtay sida loo xakamaynayo cudurka dilaaga ah e CoronaVirus.
WHO ayaa ka walaacsan sida uu u sii fidayo caabuqaas halista ah ee ka bilawday dalka shiinaha.
Lubnaan iyo Israa’iil ayaa xaqiijiyey kiisaskoodii ugu horreeyay ee cudurkaas Jimcihii, halka wasaaradda caafimaadka Iiraan ay ku warrantay laba dhimasho oo dheeri ah oo uu sababy Corona.
13 kiis oo cusub ayaa laga soo tabiyay dalka Iran.
Dalka shiinaha ayaa cudurkaasi waxaa u dhimatay dad gaaraya 2,345.
sido kale koonfurta Korea ayaa lagu arkay 142 kis oo cudurkaasi ah.
Caalamka ayaa walaac ka muujinaya inuu saameyn ku yeesho cudurka Corona Virus oo aan daawo rasmi ah lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here