WHO oo ka digtay in daawada remdesivir loo isticmaalo daweeynta Covid-19

Guddi khubaro ah oo ka tirsan hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digay in dadka la xanuunsan cudurka Covid-19 la siiyo daawada remdesivir.
Waxaa ay khubaradu sheegeen in aysan jirin caddeymo muujinaya in daawadan ay wax u tarayso qofka la xanuunsan coronavirus.
Bishii Oktobar, WHO ayaa sheegtay in ay ogaatay in daawada remdesivir ay saameyn ku lahayn qofka qaba Covid-19 ama ay kordhin muddada uu qofku sii noolaanayo.
Remdesivir, oo lagu sameeyay dalka Mareykanka ayaa ka mid ah tiro daawooyin ah oo soo jiidatay indhaha caalamka iyada oo dhakhaatiirta ay raadinayeen habab wax ku ool ah oo lagu daaweeyo cudurka coronavirus.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyada oo Midowga Yurub uu sheegay in sannadkan gudihiisa uu ansixin doono labo ah daawooyinka coronavirus.

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here