WHO oo ka digtay isticmaalka daawooyinka aan la ansixin

Hay’aada caafimaadka adduunka e W.H.O ayaa ka digtay isticmaalka daawo dhaqameedyada kuwaas oo aan la tijaabin loona ansixinin isticmaalka fayraska korona.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa kadib markii madaxweynaha dalka Madagascar uu dalalka Afrikaanka ah ku dhiiri geliyay inay isticmaalaan daawo dhireed loo yaqaano covid-organics oo uu sheegay in lagu dabiibi karo fayraskan.
Daawadan ayaa waxaa lagu tijaabiyay 20 qof 21 maalmood gudahooda, tallaabadan oo ka hor imaaneeysa tallooyinka W.H.O ee ah inay marto sheybaar si loo ansixiyo.
Covid-Organics waxaa laga soo saaray geedka artemisia – isha laga helo maadada loo isticmaalo daaweynta duumada – iyo dhir kale oo ka baxa dalka Madagascar.
Hay’aada W.H.O ayaa sido kale ka digtay in wararka been abuurka ah lagu faafiyo baraha bulshada taas oo la xirira daawooyinka fayraska korona.
Madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina ayaa hoggaamiyaasha Afrikaanka ah ugu baaqay inay isticmaalaan daawadan waxaana hada daneenaya wadamo ay kamid yihiin Comoros, Congo, Equatorial Guinea iyo Guinea Bissau.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here