WHO oo ka hadashay halka uu ka soo billowday Coronavirus

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa maanta oo talaado ah sheegtay in caddeymaha jiro ay muujinayaan inay u badan tahay in caabuqa Coronavirus uu ka soo billowday ama markii hore saameeyay kibilayda.
Waxaa arrinkan ka hadashay afhayeenka WHO Fadela Chaib .
WHO ayaa beenisay in cudurka dunida saameeyay laga soo siidaayay sheybaar ku yaalla dalka Shiinaha.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka ,Donald Trump uu sheegay in dowladdiisa ay ku dadaalaysa in la xaqiijiyo in feyraska sababo cudurka Covid-19 ee dunida ka jiro lagu sameeyay sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan ee Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here