WHO oo ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo deg-deg ah

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in caabuqa cusub ee corona ee saameeyay dalka Shiinaha wadamo kalena kiisas la xiriira laga soo tabiyay uu yahay xaalad caafimaad oo deg-deg ah oo caalami ah.
Kiisaska caabuqan ee laga soo tabiyay Shiinaha ayaa ilaa iyo hadda gaaraya 9,692.
Waxaa u dhintay 213 qof halka 102,000 qof lagu sameynayo baaritaano caafimaad.
WHO ayaa xaalad degdeg ah ku dhawaaqda marka arrintu ay noqoto mid aan caadi ahayn oo halis gelinaysa wadamada kale sido kalena la doonayo in falcelin heer caalami ah oo la isku dubariday la sameeyo.
Tallaabada ay qaadday WHO ayaa lagu saleeyay in caabuqa uu sii faafaya.
Waxaa walaac laga muujinaya in kiisas hor leh oo lagu arkay wadamada Maraykanka, Faransiiska, Japan, Jarmalka , Canada, Kuuriyada Koonfureed iyo Vietnam.
Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom oo warbaahinta kula hadlay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegay inay aad uga walacsan yihiin sida uu caabuqa ka soo billowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha uu ugu sii fidaya dalalka kale .
Wuxuu sheegay in sababta ay xaaladda degdega ah ugu dhawaaqeen aynan ahayn waxa ka jiro Shiinaha balse wadamada kale.
Sido kale agaasimaha WHO ayaa xusay in ku dhawaaqidda xaaladda degdega aynan ahayn in kalsoonida lagala laabtay Shiinaha balse ay weli ay rumeysan yihiin in xukuumadda Beijing ay awood u leedahay la tacaalidda caabuqa dillaacay.
Dhanka kale afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Hua Chunying ayaa sheegtay inay ku kalsoonyihiin sido kalena ay awoodaan wax ka qabashada firuusiga CoronaVirus.
Waxay Hua Chunying, intaas ku dartay in Shiinaha uu sii wadayo inuu la shaqeeyo WHO iyo wadamada kale si xaaladda loo xakameeyo.
Tedros Adhanom , agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka ee WHO ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo uu kulan la qaatay uu u xaqiijiyay inay ka go’an tahay sidii gacan looga gaysan lahaa ka hor tagga in firuusiga uu sii faafo.
Waxaa uu sheegay inaynan ku talinayn ama aynan taageersaneyn digniinada dhanka safarrada ee ka dhanka ah Shiinaha iyo in la xaddido ganacsiga wadamada kale ay la leeyihiin xukuumadda Beijing.
Inta badan kiisaska caabuqan ayaa lagu arkay dadkii ka soo safray magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo billowday xanuunkan dunida walaac badan ku abuuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here