WHO oo sheegtay 190,000 oo Afrikaan ah ayaa halis ugu jira inay u dhintaan COVID19

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay in qiyaastii 190,000 oo qof oo ku nool qaarada Afrika ay u badan tahay inay u dhiman karaa cudurka coronavirus.
Waxay hay’adda sido kale sheegtay in sannadka ugu horreeya tan iyo markii uu caabuqa coronavirus soo billowday , 44 milyan oo qof uu cudurkaan soo ridan doona waa hadii dalalka kala duwan ay ku guul dareystaan xakameynta cudurka saf-marka ah.
Digniinta ayaa imaaneysa iyadoo qaaradda ilo iyo haatan laga diiwaan-geliyay 53,200 oo kiisas halka ay u dhinteen 2,027 qof
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 3.6 milyan ilaa 5.5 milyan oo qof isbitaalada la seexin doono halka qiyaastii 82,000 ilaa 167,000 ay u baahan doonaan oksijiin .
Sido kale waxaa laga cabsi qabaa in 52,000 ilaa 107,000 qof ay xaaladooda aad u liidan doonta iyagoo u baahan qalabka nef caawiyaha ee loo yaqaano ventilator
Dhawaan ayey ahayd markii Guddiga Dhaqaalaha ee Qaramada Midoobay ee Afrika uu saadaaliyay in qiyaastii 300,000 oo Afrikaan ah ay u dhiman doonaan cudurka halka 29 milyan oo qof ay wajihi doonan gaajo iyo macluul.
Darasaadka warbixintan laga soo saaray ayaa laga sameeyya 47 dal oo ka mid ah qaarada oo ay ku nool yihiin hal bilyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here