WHO oo sheegtay in 1000 qof lagu dilay wadanka Libya

Ku dhowaad 1,000 qof ayaa la dilay tan iyo markii hoggaamiyaha millatariga Liibiya Khalifa Haftar iyo ciidamadiisa daacad u ah ay 3 bilood ka hor magaalada Teripoli caasimada wadanka Libya ka bilaabeen halwgal sida ay saheegtay hay’adda cadaimaadka aduunka ee WHO.
Ciidamada Haftar ayaa dalka Libya weeraro ka bilaabay hoiraantii bishii Apriil si ay ula wareegaan magaalooyiinka muhiimka ah ee dalka Libya.
Weerarda cirka ah iyo dagaalkii sokeeye eek a dhacay dalka Libya ayaa waxaa ku dhawacantay 5000 oo qof sida ay sheegtay WHO.
Dhawqaan ayay ahayd markii ku dhawaad 50 qof lagu dilay weerar cirka ah ee dalka Libya
Saraakiisha Tripoli ayaa weerarkan ku eedeeyey ciidamada daacadda u Khalifa Haftar oo hoggaamiya ciidamada dowladda kasoo horjeeda ee bariga Libya.
Janaraal Khaliifa Xaftar oo qayb ka ahaa siyaasadda Liibiya muddo ka badan afartan sanno ayaa wuxuu noqday nin ay warbaahinta caalamka aad u hadal hayeen maalmihii lasoo dhaafay.
Khaliifa Xaftar Wuxuu ku dhashay bariga magaalada Ajdabiya, sanadkii 1943-kii.
Xaftar wuxuu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo hogaaminaysay duulaankii Korneyl Mucamar Qadaafi uu awoodda kaga qaaday boqor Idris, bartamihii 1969-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here