WHO oo sheegtay in caabuqa Corona ee uu halis yeelan karo

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay inay ka baaran dagayaan in magaalada Beirut ay u diraan qalabka looga hortago Cudurka Covid-19 ee loo yaqaano PPES kaddib markii qaraxii magaaladaasi ka dhacay uu saameyn xun ku yeeshay qalabkii loogu talagalay la dagaalanka cudurka Covid-19.
Dr Rick Brennan, oo ah agaasimaha Hay’adda caafimaadka aduunka u qaabilsan xaaladaha Deg Dega bariga Mediterranean-ka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhawacmeen 6,100 qof isagoona carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la isku dheelitiro jawaabaha laga bixinaayo xaaladaha Corona Virus gaar ahaan waxyaabaha asaasiga ee loo baahanyahay sida daryeelka dhaawacyada iyo qalabka neefsashada.
Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in gargaar lala soo gaaro dadka dhawaacyada qaba iyo kuwa barakacayaasha noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here