WHO oo sheegtay in kiisaska COVID-19 ee dalka ay hoos u dhaceen

Hay’adda caafimaadka addunka ee WHO aya sheegtay in kiisaska cudurka COVID 19 ee gudaha dalkani Kenya ay yihiin kuwo hoos u sii dhacayaay saddexdi todobbad ee u danbeeyaay
Warbixinta WHO ee la xariirta xaaladaha cudurka ee dalka ayaa lagu xusay in kastoo kiisaska ismaamullada Nairobi iyo Mombasa ay hoos u dhaceen haddana taani ma mujineyso in dalka ay guud ahaan kiisaska ku yaraadeen maadaama ismaamullada qaar laga soo tabinaya in xaaladaha fayraska corona ay kordheen.
Guud ahaan kiisaska cudurka COVID19 ee ismaamullada Nairobi iyo Mombasa ayay hay’adda ku sheegtay boqolkiiba 64.
Iyadoo xilligan hoos u dhac dhanka xaaladaha ah la sheegaya ayaa sido kale waxa la xusay hoos u dhac dhanka tijaabada laga sameeyo sheybaarrada.
Hay’adda caafimaadka addunka ayaa dhanka kale dhaleeceysay habka tijaabada loo sameeyo ee dalkani Kenya iyaado ismamullada qaar ay ka jirto baahi loo qabo ama ay yaryihiin agabka lagu baaro dhacaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here