WHO oo soo saartay talooyin dheeraad ah oo ku aaddan kulamada dadweynaha

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku soo bandhigtay talooyin la doonayo in la raaco marka ay dadweynaha hal meel isugu tagayaan.
WHO ayaa ku talinaysa in isku imaatinnada loo ogolaado oo keliya dad caafimaadkooda la xaqiijiyay.
Qabanqaabiyaasha kulamada ayaa dhanka kale loo soo jeediyay inay feejignaadaan inta ay munaasabadahan socdaan.
Hay’adda ayaa ku Talisay in meelaha furan la isugu tago.
Sido kale dadka isku arko astaamaha lagu garto cudurka Covid-19, kuwa xiriirka la sameeyay dadka laga helay ama shakhsiyaadka dhawaan ka soo laabtay wadamada uu caabuqa corona saameeyay ayaa lagu booriyay inaynan kulan dadweyne ka qeyb gelin.
Waxay WHO digniin tani la mid ah u dirtay dadka qabo xanuunada kale iyo kuwa ay da’dooda ka sarreysa 65 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here