WHO oo u digtay Kenya

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dowladda Kenya uga digtay inay fududayso xayiraadaha lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19.
WHO ayaa sheegtay inaan loo baahneyn in tallaabadan la qaado iyadoo lagu saleynaya tirada hoose ee kiisaska coronavirus ee maalmihii ugu dambeeyay la diiwaan gelinayay.
Hay’adda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay soo dhaweynayso tirada xaaladaha cudurka ee Kenya ee hoos u dhacday balse waxay xustay in arrinkan dabagal ballaaran lagu sameeyo ka hor inta aan la shaacin in cudurka uu dalka ka sii dhamaanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here