WHO oo walaac ka muujisay xaaladaha coronavirus ee sii kordhaya ee Kenya

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa walaac ka muujisay kiisaska la xiriira fayraska corona ee Kenya kuwaasoo sare u sii kacaya maalinba maalinka ka dambeysa.
WHO ayaa sheegtay inay jirto habacsanaan iyo in aan si buuxda loogu hoggaansamin tallaabooyinka dowladda ay ku xakamaynayso faafitaanka cudurka.
Waxay hay’adda dowladda dalka ugu baaqday inay boqolkiiba boqol dhaqangeliso amarrada horay loogu dhawaaqay ee ka dhanka ah COVID19.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo galinkii dambe ee shalay wasaaradda caafimaadka ee Kenya ay shaacisay inay xaqiijisay xaalado cusub oo dhan 679 waxayna hadda tirada guud ee xaaladaha cudurka ee wadanka yihiin 28,104.
Dr. Rudi Eggers oo ah wakiilka hay’adda WHO ee Kenya ayaa sheegay inuu jiro fududeysi dhanka amrrada ah tan iyo markii la qaaday xayiraadii la saaray qaar ka mid ah ismaamullada dalka.
Hay’adda ayaa sheegtay in si looga hor tago in dad dheeraad ah ay gudaha Kenya ugu dhintaan cudurka COVID19 la doonayo in aad loo ilaaliyo kala fogaanshaha dadka iyo nadaafadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here