Wiil 14 sano jir ah oo loo xiray dil wariye loo gaystay

Waaxda dambi baarista ee dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kaddib dilkii maalmo ka hor loo gaystay wariye Maxamad Xassan Marjan oo ka shaqeynayay idaacadda maxalliga ee Pamoja FM , gacanta lagu dhigay eedeysane ay da’diisu tahay 14 sano.
DCI ayaa dilka suxufiga oo 62 sano jir ahaa ku tilmaantay mid naxdin leh.
Eedeysanaha ayay saraakiisha gacanta ku dhigeen kaddib baaritaano lagu sameeyay kaameerooyinka duuba muuqaallada qarsoon ee CCTV-da.
Waaxda ayaa intaa ku dartay in koox ka kooban afar xubnood ay wariyaha weerareen xilli uu ku wajahnaa goobtiisa shaqo.
Waxay mindi ka geliyeen dhanka bidix ee xabadka halkaas oo uu isla markiiba ku geeriyooday.
Waaxda dambi baarista ee dalka ayaa weli raadinaysa saddexda eedeysanayaal ee kale iyo haweeney la rumeysan yahay inay howshaas garab ku siisay iyadoo 14-ka hadda xabsiga ku jiro lagu wado in maxkamadda la soo taago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here