Wiil 17 sano jir ah oo lagu dilay Kasarani Nairobi

Wiil dhalinyaro ah oo da’diisu tahay 17 sano jir ayaa lagu dilay wadada Kasarani iyo Mwiki ka dib markii ay halkaasi ka socdeen maalmo dibadbaxyo ah.
Wiilkan oo lagu magacaabo Stephen Muchusuru ayaa haleeshay rasaas ay fureen ciidamada booliska.
Qoyska uu ka soo jeedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilka loo gaystay wiilkooda oo yahay mid sharci daro ah.
Riyadda Stephen Muchusuru ayaa ahayd inuu barto culuumta Injeneernimada balse ma aysan u suurta galin.
Dhacdan ayaa ah falkii ugu dambeeyay oo ay booliska ku dilaan dad rayid ah.
Hay’adda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa sheegtay inay sii kordhayaan falalka dilka ah oo ay sida sharci darada ah u gaysanayaan laamaha ammaanka.

Taliyaha booliska Kasarani Muthuri Mwongera, ayaa xaqiijiyay in hal dhimasho ah la soo sheegay shan kalena ay dhaawacmeen.

Saddax qof oo ka mid ah dhaawacyadda ayaa xaaladoodu la sheegay inay daran tahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here