Wiil dhalinyaro oo isku ciijiyay Dhagaxleey

Waxaa shalay galab isku cijiyay xerada qaxootiga ee Dhagaxleey wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dhalinyaradii wax baratay ee dhamaysay dugsiga sare .
Waxay wararku sheegayaan inuu gurigiisa intuu galay uu xarig isku cijiyay guriga dhexdiisa waxaana la arkey isago oo meyd ah.
Dhacdadan oo aad uga nixisay ehelka wiilka dhintay iyo dadka qaxootiga ku nool ayaan la ogeeyn sababta ka dambeysay.
Wiilka ayaa da’diisa lagu shegay ilaa 24 sano jir waxayna wararku intaa ku darayaan in shalay markii uu salaadda Duhur tukaday uu qolkiisa galay hoosna ka soo xirtay kaddibna uu is ciijiyay galabtiina meydkiisa la arkay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilka isdilay oo la oran jiray Haajir Xareed uu in muddo ah shaqo la’aan ahaa kaddib marku Iskuulka bogay uuna xitaa Soomaaliya shaqo u doontay xeryahana wax badan shaqo raadis ku ahaa balse uusan ku guulaysan inuu shaqo helo.
Dadka qaar ayaa qabo inuu isku dilay fikir iyo shaqo la’aan muddo uu ka cabanayay balse laamaha ammaanka ayaa hadda wado baritaano arrinkaas ku aaddan.
Dhacdooyinka isdilka dhalinyarada ayaa ku soo badanaya xeryaha qaxootiga Dadaab iyadoo ay jiraan kisas badan oo noocan ah oo horay uga dhacay xeryaha sida xerada IFO.
Dhanka kale waxaa isla xerada qaxootiga ee Dhagaxleey xalay dhaawac loo gestay oo uu u dhintay mid kamid ah ganacsatada xeradas oo lagu magacaabi jiray Sulub Xassan Nuur oo si wayn looga yaqiinay xeradas.
Dhaawaca ayaa soo gaaray ganacsadaha geeriyooday kaddib markii sida la sheegay baangad uu madaxa kaga dhuftay nin ay daris yihiin oo ay ku murmeen arimo dhul iyo soohdiin ku saabsan
Muranka dhulka ku salaysan ee u dhaxeeyay marxuunka dhintay iyo qofka dilay ayaa muddo soo jiray waxaana xalkiisa ku jiray hay’adda dowladda u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee RAS xafiiskeeda Dhagaxleey, maamulka xerada iyo laamaha ammaanka .
Weararka qaar ayaa sheegaya inuu baxsaday qofkii dilka geystay balse laamaha ammaanka ayaa wado baaritaano lagu soo qabanayo edeysanaha arrinkan lagu tuhmayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here