Wiil isku ceejiyay xerada IFO

A fabric low poly suicide rope with slipknot placed on the white concrete wall with white space on left. 3D illustration and rendered by program Blender.

Waxaa galinkii dambe ee shalay xerada qaxootiga IFO ee deegaanka Dadaab isku ceejiyay wiil soomaaliyeed oo 21 sano jir ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Aadan Issaq.
Waxaa uu dhigan jiray dugsiga sare ee isla xerada Ifo fasalka 4-aad halka uu u fariistay imtixaanka qaran.
Sida la sheegay shalay maqribkii ayuu gurigooda intuu hoosta ka soo xirtay isku ceejiyay ilaa iyo hadda laga ogo sababta uu falkaasi ug kacay.
Dhacdadan ayaa ah mdii saddexaad oo isceejin ah oo isla sannadkan ka dhacday xerada IFO.
Sido kale waa ardaygii labaad oo isagoo dhiganaya fasalka afaraad ee dugsiga sare naftiisa ka takhaluso.
Arrintan ayaa walaac ku beertay ehelkiisa iyo bahda waxbarashada iyo guud ahaan bulshada qaxotiga ah
Falkan ayaa ka dhacay xaafadda C15 ee xeradaasi saaka ayaana la aasayaa meeydka marxuunka isdilay
In kastoo aynan caddeyn sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay inay dhalinyarada is dilaan haddana waxaa dhanka kale jiro duruufo dhaqaale xumo, nolasha oo adag iyo arrimaha buufiska oo in badan saameyn ku yeeshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here