Wiil la sheegayo inay rasaas ku fureen ciidamada oo ku jiro isbitaalka Wajeer

Waxaa isbitaalka magaalada Wajeer la dhigay oo halkaas lagu daaweynayaa wiil dhalinyaro oo ay da’diisu tahay 25 sano jir.
Rooble Cumar ayay dhibaato ka soo gaartay rasaas la sheegay in abaare 7-dii fiidnimo ee xalay ay ku fureen qaar ka mid ah ciidamada ammaanka.
Falkan ayaa loogu gaystay degmada Garsaqoftu ee xigta galbeedka Wajeer.
Wiilkan ayaa ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysta mootada , xilli uu warbaahinta kula hadlay qeybta bukaannada la jiifiyo ee isbitaalka weyn ee Wajeer ayuu faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen.

Mid ka mid ah wakiilada golaha hoose ee Wajeer ayaa sido kale arrintan ka hadlay isagoo dowladda ugu baaqay inay baaritaano degdeg ah sameyso.

Qaar ka mid ah ehellada wiilka ay dhibaatadu soo gaartay ayaa iyagana dareenkooda iyo tallaabada ay doonayaan in la qaado soo bandhigay.

Laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay balse wixii jawaab ah oo ay ka bixiyaan wararka dambe ayaad kaga bogan doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here