Wiil qirtay in uu dilay walaalkii oo gacanta lagu dhigay

Waxaa gacanta lagu dhigay will 16-sano jir ah kaas oo dilay walaalkii ka yar oo 14 sano jir ahaa kaddib markii ay muurmeen.
Dhacdadaan ayaa laga soo tabiyay tuulada Nyakeore ee ismaamulka Nyamira.
Sida laga soo xigtay guddomiyaha deegaankaasi George Maoga, ayaa sheegay in labada wiil uu khilaaf soo dhaxgalay kaddib markii waalalka weyn uu caws ku beeray meel khudradda ku tabcaday walaalka yar.
Eedeysanaha ayaa qorta kaga jaro walaalkii masaar uu watay isagoona isla goobta ku geeriyooday.
Waxaa uuuna meydkiisa ku aasay beerta
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dambiilaha uu saaka aroortii u kalahay beerta si uu usoo saaro meydka walaalkii.
Kaddib wuxuu u yeeray qoyskiisa wuxuuna qirtay inuu uu dilay walaalkii ka yar.
Meydka qofka dhintay ayaa loo qaaday goobta meydadka la dhigay ee cIsbitaalka Tixraaca ee ismaamulka Nyamira.
Waxaana eedeysanaha loo gudbiyay saldhigga booliska ee Nyamira si baaritaanno dheeraad loogu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here